Friday, December 8, 2023
More
    HomeCiyaaraha MaantaArsenal Mise Chelsea? Ivan Toney Oo Go’aansaday Kooxda Uu Doonayo In Uu...

    Arsenal Mise Chelsea? Ivan Toney Oo Go’aansaday Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Suuqa January.

    Weeraryahanka Brentford Ivan Toney ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Arsenal marka la gaaro suuqa kala iibsiga ee January, sida ay wararku sheegayaan.

    Toney ayaa isku diyaarinaya in uu ka soo laabto ganaax 8 bilood ah oo dusha laga saaray sabab la xidhiidha khamaar uu ku galay ciyaarta waxana aad loola xidhiidhinayaa Arsenal.

    Gunners ayaan ahayn kooxda kaliya ee doonaysa xiddiga reer England laakiin waxa uu sidoo kale xiiso ka helayaa kooxda chelsea.

    Sida laga soo xigtay Mail Online, Toney ayaa diyaar u ah in uu iska diido kooxda chelsea si uu ugu biiro Arsenal marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.

    Arteta ayaa doonaya weeraryahan uu ku xoojiyo kooxdiisa waxana uu Toney u arkaa xiddig wax weyn ka badali kara weerarkiisa.

    Si kasta ha ahaatee kooxda Brentford ayaa laga yaabaa in ay dalbato lacag dhan 80 milyan si ay u fasaxdo xiddiga 68 gool u dhaliyay kooxda.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Must Read