CiyaaroArsenal Iyo Man United Oo Warbixin ka Soo Saaray Kulamadoosa Europa League...

Arsenal Iyo Man United Oo Warbixin ka Soo Saaray Kulamadoosa Europa League Kadib Markii Todobaadkan La Joojiyay Kulamada Premier League

Kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa taageerayaashooda u xaqiijiyay in kulamadooda khamiista ee Europa league ay u dhici doonaan sidii ay u qorshaysnaayen.

Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Fc Sheriff kulankooda 2-aad ee wareega Group-yada iyaga oo u safri doona dalka Moldova si ay ula ciyaaraan kooxda Fc Sheriff.

Waxa uu shaki weyn soo food saaray kulamada kooxaha premier League ee tartamada yurub kadib markii bilowga todobaakan la joojiyay kulamadii premier League sabab la xidhiidha dhimashada boqoradii England.

Laakiin Man United ayaa taageerayaasheeda u xaqiijisay in uu kulanku u dhici doono sidii uu u qorshaysnaa isla markaas ayna waxba iska badalin.

Dhinaca kale kooxda Arsenal oo marti galin doonta kooxda PSV ayaa dhinaceeda xaqiijisay in kulankaas uu dhici doono isla markaas ayna wax dhib ah dhici doonin.

Gunners oo guul ku bilaabatay Europa League ayaa garoonka Emirates ku marti galin doonta kooxda PSV kulankooda 2-aad ee wareega Group-yada tartanka Europa league.

Sidaas darteed Arsenal ayaa sheegtay in ayna waxba isla badalin qorshihii kulanka isla markaas la ciyaari doono kulanka habeenka khamiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme