CiyaaroArsenal ayaa ogolaatay in Xiddigeyda Bellerin uu beeca xorta ah ugu biiro...

Arsenal ayaa ogolaatay in Xiddigeyda Bellerin uu beeca xorta ah ugu biiro Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa daafaca midig ee kooxda Arsenal Hector Bellerin.

27 jirkan ayaa Ka baxay qorshaha Mikel Arteta isaga oo aan wax daqiiqado ah u ciyaarin Arsenal ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Xiddigaha Takehiro Tomiyasu & Cedric Soares ayaa ka horeeya Bellerin waxana uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda Arsenal.

Sida laga soo xigtay saxafiga Gianluca Di Marzio, Barcelona ayaa haatan ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa Bellerin kaas oo si bilaash ah kula wareegi doonto xiddiga kaas oo kansali doona heshiiskiisa Arsenal.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo kula jirto wakiilka Bellerin si ay heshiiska shaqsiga ah ula gaadhaan si uu xiddigu dib ugu laabto kooxdiisii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme