CiyaaroArsenal Ayaa Guul Ka Gaartay Kooxda FC Zurich.

Arsenal Ayaa Guul Ka Gaartay Kooxda FC Zurich.

Kooxda Arsenal ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda Europa League kadib markii ay garaaceen kooxda FC Zurich kulan xiiso lahaa oo ay Arsenal cadaadis la kulantay.

Arsenal ayaa maamulaysay ciayarta laakiin kooxda FC Zurich ayaa iska caabin kala hor tagtay kooxda Arsenal.

Daqiiqadii 16-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Marquinhos kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay ku hogaaminayso kooxdiisu.

Kooxda FC Zurich ayaa Arsenal kala hor tagtay iska caabin iyaga oo Gunners ku qaadayay weeraro ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 44-aad ayay Kooxda FC Zurich heshay rikoodhe waxana u dhaliyay xiddiga Mirlind Kryeziu kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Arsenal ahayd kooxda fiican laakiin Kooxda FC Zurich daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybta dambe ayay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay iyaga oo doonayay in ay mar kale hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 62-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Eddie Nketiah kaas oo ciyaarta hogaankeeda u dhiibay Arsenal.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo Arsenal guul ugu bilaabatay xilli ciyaareedka Europa League iyaga oo ku soo laabtay wadada guulaha kadib guuldaradii bilowgii todobaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme