CiyaaroAntonio Cassano Cristiano Ronaldo Lionel Messi ayaa ka fiican’

Antonio Cassano Cristiano Ronaldo Lionel Messi ayaa ka fiican’

Isbarbardhiga Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ahaa mid in ka badan 15-kii sano ee ugu dambeeyay soo socday walina waxa sii wada inay isbarbardhigaan jamaahiirta kubadda cagta iyo xiddigaha horeba.

Haatan weeraryahankii hore ee kubadda cagta Talyaaniga ee Antonio Cassano ayaa kamida xiddigaha wali mawduucaas ku jira ee waliba qaabka ugu muranka badan uga hadla.

Cassano ayaa dhawr mar baraha bulshada ka sheegay sida uu taageere weyn ugu yahay xiddiga Paris Saint-Germain ee Lionel Messi isaga oo dhinaca kale duraya Ronaldo.

Cassano oo mar ka qayb qaadanayay barnaamijka Rai Play ayaa Cristiano la barbardhigay mid kamida fanaaniinta dalka Talyaaniga oo kaalinta labaad caan ku ah isaga oo ku sheegay inuu Ronaldo markasta sidaas joogtada ah uga dambeeyo Messi.

Intaas kaddib hadalka Antonio ayaa gaadhay Ronaldo kaas oo sida uu sheegay soo wacay kahor inta uusan farriin ugu sheegin inuu ixtiraamo.

“Isagu wuu isoo wacay oo farriin ayuu isoo diray kaddib markii aan idhi ‘Lionel Messi ayaa ka fiican’ wuxuu ii sheegay inaan isaga ixtiraamo” ayuu yidhi Cassano.

“Waxaan u sheegay inuu Messi heer kale isaga ku yahay isla markaana uu isaga ka fiican yahay Ronaldo Brazilian”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme