CiyaaroAncelotti: Halkan Arin Ayaan Rajaynayaa Kulanka Mallorca Sidii Kulankii Celtic.

Ancelotti: Halkan Arin Ayaan Rajaynayaa Kulanka Mallorca Sidii Kulankii Celtic.

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa carabka ku adkeeyay in ay adagtahay in ay wajahaan Mallorca, berri, kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa beri oo Axad ah wajihi doonta kooxda Mallorca kulan ka tirsan wareega shanaad ee horyaalka Spain kulan ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu.

Ancelotti oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kulamadii hore ee aan la ciyaarnay Mallorca waxa ay ahaayeen kulamo fiican, waxa laga dhaliyay kaliya 3 gool waxana aan u malaynayaa in ay ciyaari doonaan ciyaar difaac ah”.

Isaga oo ka hadlaya dhaawaca Karim Benzema ayuu Ancelotti yidhi”Kulankii Celtic Hazard ayaa ka ciyaaray booskiisa waxana uu u ciyaaray si fiican, kulanka bari Eden ayaa ka ciyaari doona booskiisa waxana uu soo bandhigi doonaa waxa uu awoodo”.

“Dhibaato yar ayuu qabay, sida bishii December ee sanadkii hore, si fiican ayaan u buuxinay booskiisa, laakiin waxa aan rajaynayaa in aan si fiican u ciyaarno La’aanta Benzema sidii kulankii Celtic”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme