Amorim Waa Sida Ten Hag Oo Kale, Waxba Isma Dhaamaan”Scholes Oo Kasoo Horjeestay Magacaabidda Amorim, Fartana Ku Fiiqay Tababaraha Ku Habboon Shaqada United.

Paul Scholes wuxuu rumeysan yahay in buuqa ku xeeran magacaabista Ruben Amorim ee United uu la mid yahay kii jiray markii Erik ten Hag uu kooxda imanayay.

Kooxda Red Devils ayaa ku dhow inay magacaabaan tababaraha Sporting CP kadib markii ay eryeen Ten Hag Isniintii.Wararka ku saabsan imaanshaha tababaraha reer Portugal ee Manchester ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay taageerayaasha kooxda, iyadoo tababarahan uu leeyahay rikoodh guul ah oo soo jiitay kooxo kale oo ka tirsan Premier League horraantii sanadkan.

Si kastaba, Scholes wuxuu rumeysan yahay in buuqani uu la mid yahay kii ku hareeraysnaa Ten Hag markii uu kooxda yimid. Ten Hag oo Sidaan oo kale guulo waaweyn ulasoo gaaray Ajax. Wuxuu soo qaaday saddex koob oo Eredivisie ah, isagoo geeyay Ajax afar dhamaadka Champions League sanadkii 2019.

“Buuqan wuxuu i xasuusinayaa Erik ten Hag markii uu yimid Manchester United,” ayuu yiri halyeyga Red Devils, oo ka hadlayay barnaamijka The Overlap Fan Debate.

Paul Scholes ayaa kamid aha dadka ku kacsan magacaabista Ruben Amorim, wuxuuna rumeysan yahay in tani ay la mid tahay buuqii ka dhashay magacaabistii Erik Ten Hag.Scholes wuxuu ku adkeysanayaa in Tuchel uu ahaan lahaa dooqa ugu habboon ee tababare u noqda United, maadaama uu leeyahay waayo-aragnimo tababareed iyo khibradda ku guuleysiga ciyaaraha waaweyn ee heerka sare.

“Waxaan u maleynayaa in Thomas Tuchel uu ahaa tababaraha saxda ah ee Manchester United, laakiin nasiib darro wuxuu haatan laylinayaa xulka England. Waa qofka maamuli kara koox heer sare ah oo ku guuleysan kara ciyaaraha waaweyn. Wuxuu leeyahay waayo-aragnimo heer sare ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *