CiyaaroAlexander-Arnold waa heerka Championship-ka – Oo Kale Daaficii hore ee Chelsea Leboeuf...

Alexander-Arnold waa heerka Championship-ka – Oo Kale Daaficii hore ee Chelsea Leboeuf Ayaa Sidaa yidhi

Liverpool ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkani yahay mid ku adag taas oo sababaysa in eedaymo badan dusha looga tuuro xiddigaha kooxdeeda muhiimka usoo ahaa sanadihii ugu dambeeyay.

Waxa xiddigaha eedaymahaas la kulmaya kamid ah daafaca midig ee Trent Alexander-Arnold oo uu haatan halyeeyga Chelsea ee Frank Leboeuf ku sifeeyay mid heer hoose ah.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa ku caan baxay dhinaca caawinta isaga oo ah boqorka caawinta goolasha Liverpool sanadihii ugu dambeeyay laakiin waxa si weyn loo dhaleeceeyaa difaacashadiisa.

Frank Leboeuf ayaa haatan su’aal ka keenay difaacashada xiddiga 23 jirka ah waxana uu sheegay in ay tahay wax laga wal-walo difaacashada xiddiga reer England.

Fiiri Trent Alexander-Arnold. Waan jeclahay ninka, waxa uu leeyahay sifooyin weerar oo fiican Laakiin difaac ahaan waxa uu la tayo yahay heerka 2-aad Ee England”ayuu Lebeuf yidhi.

Trent Alexander-Arnold ayaa qaab ciyaareed Liita soo bandhigay xilli ciyaareedkan waxana uu la kulmay dhaleecayn xoogan tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme