CiyaaroAc Milan Ayaa Garaacday Kooxda Ay Xafiiltamaan Ee Inter Milan

Ac Milan Ayaa Garaacday Kooxda Ay Xafiiltamaan Ee Inter Milan

Kooxda Ac Milan ayaa guul ka gaadhay kooxda ay jaarka yihiin ee Inter Milan kulan ka dhacay garoonka San Siro kana tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso iyo xamaasad leh iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican intii ay ciyaartu socotay.

Kooxda Ac Inter Milan ayaa daqiiqadii 21-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Marcelo Brozovic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Ac Milan ayaa bilowday in ay ka fal celiso goolka ay Inter dhalisay iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 28-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Rafael Leo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay bar-baro ku yihiin.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.

Ac Milan ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 54-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Milan ku hogaaminayso ciyaarta.

Milan ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday raadinta goolal kale iyaga oo qaadayay weeraro xilli ay Inter Milan dhinaceeda raadinaysay goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 60-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka 3-aad waxana si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Rafael Leao kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 oo ay Milan ku hogaaminayso.

Laakiin Inter ayaa deg-deg uga jawaabtay goolka Milan waxana goolka 2-aad u dhaliyay xiddiga Edin Dzeko kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay wali Inter ku dambayso ciyaarta.

Waxa ugu dambayn sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Ac Milan guul ka gaadhay kooxda Ay xafiiltamaan ee Inter Milan kulan xiiso lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme