Cristiano Ronaldo ayaa sanadkan iska diiday ka qaybgalka xafladda Ballon d’Or iyo inuu u codeeyo guuleystaha Kopa Trophy, taasoo noqotay isbeddel weyn oo ka duwan joogitaankiisii hore.Inkastoo Ronaldo uu xaq u leeyahay inuu ka soo qayb galo xafladaha Ballon d’Or, xitaa haddii uusan u tartamayn abaalmarinta, haddana wuxuu doortay inuu sanadkan iska diido casuumaadda, isagoo rumeysan in abaalmarintu noqotay mid siyaasadeysan oo aan si cadaalad ah loo bixin, islamarkaana ay u janjeerto ciyaartoy gaar ah iyo kooxaha awoodda badan.
Ilo ku dhow Ronaldo ayaa sheegay inuu niyad jabsan yahay, gaar ahaan waxa uu u arko inay tahay eex joogto ah, taasoo saameyn ku yeelatay xiisihiisa xafladda.Ronaldo ayaa abaalmarintan dhoor jeer ku guuleystay intii uu joogay kooxda Los Blancos.
kastaba ha ahaatee, sida saaxiibkiis hore Lionel Messi, Ronaldo wuxuu diiday casuumaaddiisa waxaana la sheegay inuu diiday inuu u codeeyo guuleystaha Kopa Trophy.Go’aanka Ronaldo ayaa dhaliyay dood badan oo ay qabaan taageerayaasha iyo warbaahintu, kuwaas oo isweydiinaya sida uu xidhiidhka Ronaldo iyo Ballon d’Or noqon doono mustaqbalka.Cristiano Ronaldo ayaa sanadkan iska diiday ka qaybgalka xafladda Ballon d’Or iyo inuu u codeeyo guuleystaha Kopa Trophy, taasoo noqotay isbeddel weyn oo ka duwan joogitaankiisii hore.
Inkastoo Ronaldo uu xaq u leeyahay inuu ka soo qayb galo xafladaha Ballon d’Or, xitaa haddii uusan u tartamayn abaalmarinta, haddana wuxuu doortay inuu sanadkan iska diido casuumaadda, isagoo rumeysan in abaalmarintu noqotay mid siyaasadeysan oo aan si cadaalad ah loo bixin, islamarkaana ay u janjeerto ciyaartoy gaar ah iyo kooxaha awoodda badan.Ilo ku dhow Ronaldo ayaa sheegay inuu niyad jabsan yahay, gaar ahaan waxa uu u arko inay tahay eex joogto ah, taasoo saameyn ku yeelatay xiisihiisa xafladda.Ronaldo ayaa abaalmarintan dhoor jeer ku guuleystay intii uu joogay kooxda Los Blancos.
in kastaba ha ahaatee, sida saaxiibkiis hore Lionel Messi, Ronaldo wuxuu diiday casuumaaddiisa waxaana la sheegay inuu diiday inuu u codeeyo guuleystaha Kopa Trophy.Go’aanka Ronaldo ayaa dhaliyay dood badan oo ay qabaan taageerayaasha iyo warbaahintu, kuwaas oo isweydiinaya sida uu xidhiidhka Ronaldo iyo Ballon d’Or noqon doono mustaqbalka.