Ciyaaro4 Meel Oo Ay Ku Kala Badin karaan Kooxaha Man United Iyo...

4 Meel Oo Ay Ku Kala Badin karaan Kooxaha Man United Iyo Man City Kulanka Manchester Derby Ee Maanta.

Kulan ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan premier League todobaadkan ayaa garoonka Etihad Staduim ku dhex mari doona kooxaha reer Manchester ee United iyo City.

Labada kooxood ayaa kulanka u soo gali doona sidii ay u helo lahaayeen dhibcaha kulanka si ay horay ugu sii socdaan kaalmaha kala saraynta horyaalka.

Kooxda difaacanaysa premier League ayaa ugu cad-cad kulanka laakiin Man United ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay haystaa fursad ay kaga yaabsato kooxda Man City.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 4 meel oo lagu kala badin karo kulanka maanta:

  1. Erling Haaland vs Lisandro Martinez:

Haalan ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisa cajiib ah isaga oo sii wada dhalinta goolasha premier League ilaa haatan, markii la soo bandhigayay suuqii xagaaga Haaland ayaa sheegay in uu sugi laayahay ciyaarista kulanka Manchester Derby iyo in uu ka hor tago Man United.

Xiddiga Haaland ayaa haatan ciyaari doona kulankiisii ugu horeeyay ee Manchester Derby isaga oo ka hor tagi doona kooxda Man United waxana uu si gaar ah uga hor iman doonaa daafaca dhexe ee Lisandro Martinez.

Lisandro Martinez iyo Haaland ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay waxana ay labadan xiddig door weyn ka qaadan karaan go’aaminta kulanka maanta.

  1. Bruno Fernandes vs Kevin De Bruyne:

Mid ka mid ah meelaha muhiimka ah ee lagu kala badin karo ayaa ah khadka dhexe marka la eego in ay labada kooxood ku hubaysan yihiin xiddigo cajiib ah booskaas.

Xiddigaha Fernandes iyo De Bruyne midkooda ku adkaada maamulista khadka dhexe ayaa shaki la’aan ku gacan sarayn doonta kulanka ugu dambayna guul ka gaadhi karta kulanka.

  1. Cristiano Ronaldo:

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or-ka ayaa hogaamin kara weerarka Man United sabab la xidhiidha in uu shaki ku jiro taam ahaanshaha xiddigaha Marcus Rashford iyo Anthony Martial.

Waxa laga yaabaa in uu haatan ku jiro qaab ciyaareed xun laakiin waxa hubaal ah in uu yahay mid ka mid ah xiddigaha yar ee daqiiqad kasta go’aamin kara kulanka hadii uu helo fursad waxana uu dhib weyn ku ahaan doonaa kooxda Pep Guardiola hadii uu ku bilowdo shaxda.

  1. Guardiola vs ten Hag:

Ugu dambayn ragga ka dambeeya dajinta shaxda iyo qaab ciyaareedka ayaa iska hor iman doona markii ugu horaysay iyaga oo tababarayaal ah.

Labada tababare ayaa horay uga wada shaqeeyay Bayern Munich markaas oo uu Ten Hag ahaa caawiyaha Guardiola markii uu joogay Bayern.

Si kasta ha ahaatee Ten Hag ayaa laga sugayaa in uu muujiyo in uu garaaci karo tababarihiisii hore kulankiisii ugu horeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme